Video: Soomaaliya ‘oo gashay xaalad la mid ah tii lagu dilay’ madaxweyne Cabdirashiid

Dr. Cabdiraxmaan Cabdullahi Baadiyow oo ka hadlay khilaafka iyo boobka lagu sameeyo doorashooyinka ayaa sheegay inay ka dhashaan gabood fallo waaweyn, sidii horay uga dhacday dalkeenna, hadana ka taagan, sidoo kale waxuu tusaale u soo qaatay khalalaasaha ka dhashay boobka doorashooyinka ee ka taagan dalal ay ku jirto Itoobiya.

Dr. Baadiyow ayaa sheegay in hadda ay taagan tahay heer boobkii doorashada la xalaashaday, isagoo ka digay in qaabka loo maamulayo doorashada Soomaaliya ay sababto burbur iyo kala tag hor leh.

“Markii doorashooyinka la isku qabtay sanadkii 1969-kii waxay sababtay in la dilo Madaxweynihii hore ee dalka Cabdirashiid Cali Sharmaarke, hadda waxaan mareynaa marxalad xaaraantii la xalaaleeyay,” ayuu yiri Dr. Baadiyow.

Isagoo sii hadlaayey ayuu yiri, “Maalinkaan xornimada qaadanay ilaa hadda doorasho kasta waxaa dhici jirtay in la is boobo, taasi waxay keentay in dalku dumo, hadda boobkii ayaa la sharciyeeyey oo xaaraantii ayaa la xalaaleystay.”

Sidoo kale Dr. Baadiyow ayaa afar qodob ku soo koobay qaabka hadda boobkii doorashada Soomaaliya ay siyaasiyiintu u xalaaleysteen.

1– Siyaasad qabiileysan, oo hadii xumaanta laga dhaafo lagu gaari karo doorasho qof iyo cod ah.

2– Siyaasad ganacsi ah oo la kala dalaalayo, yaa xoolo badan heystooy? Taas hadda xaaraan kama aha Soomaaliya.

3– Siyaasad la is boobaayo oo la isku dhacaayo sidii Geella loo kala dhici jiray waayihii miyiga.

4– Siyaasad la cagta la isku dhacaayo dowlado ajanebi ah laga soo qaadayo, kuwaas oo hadhow dabada laga gelayo.

Dr. Baadiyow ayaa afartaa qeybood ku soo koobay musuqa doorashooyinka Soomaaliya, “Afartaas qeybood ee siyaasiyiintu ku dhaqmaan colaado ayey abuureysaa, diinteenu ma ogola, sharciyada caalamku ma ogola, laakiin hadda waa laga aqbalsan yahay dalkeenna, marka waxaan leenahay war waaba is boobeysaane ha is dilina oo meesha u dambeysa yaan la isla gaarin,” ayuu hadalkiisa ku sii daray Dr. Baadiyow.

https://www.facebook.com/watch/?v=691523911761913

 

Aragtidaada Noogu Soo Dir

Emailka:Saxafi12@gmail.com

 

4 Comments

  1. Midkan madaxiisa aad mooddo in Jadeeco hayso ma horoglayaashii madhibaan baa? Majeerteen waxay ku oran ka leexda Boqortoyo weeyaane
    Kkkkkn kkkk kkkk weligiin ma maqasheen majeerteen Juxa? Kkkkk

  2. Kayse

    Ninyohow hore waan ku salaamay, waana dhab in qof walbaa yeesho fikrad isaga u gaar ah, balse ninyohow waxaan ku weydiiyay oo laga yaabo in dad badan ay horey kuu weydiiyeen, miyadaan aqoon wax aan xumaan iyo cay ahayn?

    Maalnin walba qof baad saaran tahay sidii xajiintii, afxumada waa lagu xajiimoodaa, qofkana way liidisaa.

    Bal waxba kaa dhibi maysee isku day inaad maalin qudha wanaag iyo af-wanaagsan ku shaysato, ileyn dadku way ku nacayaane.
    1- bal horta fiiri qofka aad wax ka sheegayso, ma qof weyn baa ma mid xun baa, wax adiga makuu dhimay, isweydii.

    2- tan labaad bal wanaagiisa iyo xumihiisa isu miisaaan, oo banii aadam bashar kaddii baa la haye, u roonoow oo marka hore aamin in uu qofkani wanagsan yahay.

    3- tan sadexaad waxaa la yiri alxasadu ya’kulu al xasanaat.

    4- Waalid markaad caayayso fiiri sidaad dareemi lahayd hadii adiga hooyadaa hortaada lagu caayo.

    5- Qabiil dhan ma wada xumaan karaan, kala saar dadka, sababna qofka wax uga sheeg, dalku waa ina wadaa qaadaaye. Hadaadse doonto marka hore shisheeyayaha Soomaalida ka soo soke marso.

    Ninkii gabyay wuxxuu yiri waayahan Soomaalidu waa wada MICI-KU-DHIIGLE, MIDIG-KU-DHIIGLE, MAJO-KU-DHIIGLE, MADAX-KU-DHIIGLE, MIDI-KU-DHIIGLE, IYO MORA-KU-DHIIGLE, adiguna wada-ku-dhiigle ha noqon.

    Kubadu aday ku ag taal saaxiib.

  3. Sag-Saag:
    Sag-Saag adiga iyo Juxa labo horoglaa tihiin, hayb wadaagna waad tihiin.
    Hadal jilicsan iyo hawraar nugul hore hiddaad u leedihiin, Awlal baa kaa bahan Advice iyo tilman, Horogle iyo warday sheegata ah oo isir Abba ku arooro ilmo hunnuf haanuf iyo dhashii horweeyshe sidee ila hadashaa?
    Is ururi xoolo nool baad tahaye, kaftanka Adoo kale ma gayo in laga koobiyana ma bannaano, orod raadso mid sidaada liicsan Dalbo luujo lahayse kkkk kkk kkkk kkkk

  4. Sag-Saag:
    Sag-Saag adiga iyo Juxa labo horoglaa tihiin, hayb wadaagna waad tihiin.
    Hadal jilicsan iyo hawraar nugul hore hiddaad u leedihiin, Awlal baa kaa bahan Advice iyo tilman, Horogle iyo warday sheegata ah oo isir Abba ku arooro ilmo hunnuf haanuf iyo dhashii horweeyshe sidee ila hadashaa?
    Is ururi xoolo nool baad tahaye, kaftanka Adoo kale ma gayo in laga koobiyana ma bannaano, orod raadso mid sidaada liicsan Dalbo luujo lahayse kkkk kkk kkkk kkkk

Comments are closed.