21 Comments

  1. Sidii aan dhowr goor oo hore carabbaabay, isbeddelka aasaasiga ah ee haatan dunida ka hirgalaya waa mid salka kuhaya awoodda reer Galbeedka iyo saameynteedii oo sii dhinmaysa maadaama ay xadaarad ahaan iyagu sii idlaanayaan.

    Sida la wada ogsoonyahayba, loollankii adkaa ee ilaa labo qarni kadhex aloosnaa labada aydiyoloojiyadood ee Hantisoorka (Capitalism) iyo Shuuciyadda (Communism) ayaa waxaa qarnigii ina dhaafay ku gacansarreeyay Hantisoorka oo ay reer Galbeedku qaddiyadda ka dhigteen. Hayeeshee maadaama hantisoorku yahay nadaam dhaqaaale oo ribaawi ah, dabcan ma uusan ahayn mid siiwaari kara sida haddeerba dhacday, sababtuna ay tahay in uu aakhirka sababo musuqmaasuq iyo cayroobid baahsan oo burbur dhaqaale iyo faqri dhaliya.

    Teer iyo sanadkii 2008dii, reer Galbeedku kama aysan soo kabanin burburkii dhaqaale ee kaga habsaday nadaamkooda ribaawiga ah, waxaana ka idlaanaya saameyntii siyaasadeed iyo dhaqaale ee xooggannayd ee ay in muddo ahayd caalamka kumaamuli jireen. Waxay tasuna sababtay in booskoodii oo haawanaya ay cubaan awoodo ama ugub ah amase ah isla kuwii hantisoorka tartanka xooggan kulajiray ee uu humaagay oo soo labakacleeyay – gaar ahaanna Shuuciyaddu.

    Haddaba, maadaama uu caalamku si xawli iyo xawaar ba’an leh isu beddelayo – siyaasad iyo dhaqaale ahaanba – Soomaalida waa ku nacasnimo in ay haddeer iskuhawliso oo welina kasii dooddo siyaasad casrigeedii lagasoo hayaamay ee uu gabbalkiina waahore u dhacay – sida Itoobiyadii iyo Soomaaliyadii xilligii kacaanka iyo ilaa iyo qabtii. Meles iyo Mengiste in haddeer laga munaaqashoodo waa dibjirnimo weyn xaqiiqdii.

    Waxaa habboon oo munaasabna ah in laga doodo sida ay Soomaalidu ula jaanqaadi karto caalamkan isbeddelaya iyo booska ay iyadu kaga beegmi doonto isbahaysiyada qowmiyadeed ee haddeer Afrika gilgilaya – ummad ahaan. Soomaalidu waa in ay maanka shalaynimo kasoo gudubto oo maanka berrinimo wax kudheehato, haddii kale “nin seexday siciisaa dibi dhalay” ayay ku hambabari doontaa xilli ay xeero iyo fandhaal kala dhaceen.

  2. Awlal:
    Ninkan ma Afdomaliga ayuu meesha ku bartaa mise 30 Sano ayaan macallin English language dhigo ayan ahay buu ku faanaye culuuntii luqadda English language baa translation noogu sameeyaa?
    Markan fiiriyo ninkan Dhaqankiisa wuxuu iila Ekaaday nin la oran jiray xoorshe oo xaafadaha maacuunta u mayra, inta uu weelka mayrayana wuu guryamaa cidina ma fahanto wuxuu ku hadlayo iyo qoloduu la hadlayaba.
    Web/ka Marqaannews boggaad eegtaba Awlalbaa ku feegaray qoraal dheer oo aan cidiba eegin kkkk kkkkk kkkkk kkk kkkk kkkkk kkk
    Odayga miyuu marqaama?

  3. Duq Kaysow kollay anigu qaddarin Islaamnimo, tolnimo, Soomaalinimo, iyo insaannimo intaba waad iga helaysaa oo waa xuquuq aad igu leedahay.

    Marna ha iga filanin in aan kula qasto oo aan kugu xadgudbo habayaraatee. Yaxarta iyo Horoglaha aad iskadhaadhicisay in ay yihiin wax xun oo cid lagu caayo walleysan u ahayn ee waa walaalaheen Soomaaliyeed iyo islaameed oo siwalba noo la siman labadeennuba.

    Walaalahayga beelaha sharafta leh ee Yaxarta iyo Gabooyahana xaalmarin iyo raalligelin mugleh ayaan anigu kasiinayaa jaa’ifooyinka aan gayin ee uu duqan isdhexyaacay aniga aawaday ugu geysanayo.

    Magacanna hingaaddiisa saxda ah waa KEYSE ee KAYSE ma aha. Duq koonfurta iyo Garbahaarrey kasoojeeda muxuu ka garan karaa magacyada reer woqooyiga sida ‘Keyse’?

    Allaah Kariim!

  4. Awlal:
    Adoo Horogle ah oo Sheegad Daarood weliba Midgihii Majeerteen sheegta , marna Wersangeli Sheegta marna Ogaadeen sheegta Xaqbaad u leedahay inaad yaxarnimada iigu soo dhowaato, Anigiyo Adigu isku duud iyo diir midna kamaynaan beermin, somalinimada aad sheegaysana sasbaan ka qabaa, waa lagayaaba midda keliya ee aan isugu dhownahay inay tahay tawxiidka, Aniga xaqbaan u leeyahay inaan ku saxo, kugu toosiyo haybtaada aad ka cararayso, Qofkasta oo fikir dhiibtana waad ku duraysaa Ra’yigiisa, Adigiibaa dawarsada haybsada reero aadan u dhalan markaad ii Abtirsato ayaan iskaa barayaa.
    Aniga Magacayga Waa Kayse sheegatana ma ihi iyo midgaha daarood, Laakiin diiwaankayga dib u baar, Dadku aqoon la’aanbay isugu lumaan.
    Hore waxa nakaa baray nin la oran jiray Atoore oo caddayay inaad kolba cid sheegato, isa soo caddee SXb.

  5. Duq Keysow, cawaannimada aan had-iyo-jeer kaaga caqliceliyo ayaad weli iskusii ceebeynaysaa! Horta, dadku labo siyaabood ayay isu tooyadaan: hab xaadir ah iyo hab qaa’ib ah. Isbarashada shabagga galsheed ee ay mareegtooyinku kamid yihiin waxay qeyb ka tahay istooyashada qaa’ibka ah.

    Haddaba, waa cawaannimo tii ugu xumayd in qof aydaan si shakhsiyan ah isu aqoon ee aydin hawada sare iskabarateen iskudaydo in aad u abtiriso oo haybtiisa kafaallooto, amase ku xujeyso in uu “isu kaa caddeeyo”.

    Dhaqan-xumadan waxaa lagu yaqaannaa jeegadheereyaasha bulshada uugu jaahilsan ee ay qabyaaladdu madaxmaratay, jacelna in ay xoolaha sidooda dabada iska ursadaan. Dadka ilbaxnimada u saaxiibka ah ee ahlu-iimaanka ah addoomaha Alle ma sii faaqidaan waayo waxay ogyihiin in ay tahay caadoxumo Islaamnimada iyo insaannimadaba aad uga baxsan.

    Adiga iyo Atooraha aad soo xigatayba dadka iskama naqaan, Ilaahayna idiin ma igmanin oo xaqna idiin masiinnin aydin addoomahiisa ugu kala abtirisaan oo ku faaqfaaqiddaan. Edebdarrada iyo akhlaaqxumada dadka kala fadhiista oo cawaannimada ka xorooba maandhooyin.

  6. Kayse

    Wali ma hadal baad haysaa?
    Waxaa la yiri nin aqoon yar iyo tanag alaab yar ku jiraanba shamamax iyo qalalow ma daayaan, macno maleh laakiin dhegaha nuun bay dadka xanuujiyaan. Hada adiga maanta oodhan ama maalin walba wax uun baad soo qoraysaa laakiin wax qiimo leh nooma sheegtid mana joojisid wax qorid, hadal badan, iyo afxumo.

    Cadaygu waa shaga afka carfiya, hadalka wanaagsana qalbiguu carfiyaa.

  7. Awlal:
    Kula yaabi maayo oo waxadan ahayn noqon maysid. Waxadan aqoonna ii sheegi maysid, Adigu hal adaygna ma lihid,Aflagaadana ma daysid, Waxa lagu haysto waa inaad Dulmiga ka daysaa dadka aad beegsanso, Afsomaliga Aad ku xar xarriqdo Marqaannews wax micno ah iyo
    Xikmad midna ma lahan, Horogle tahay horogle Dhalay adiga iyo sinjiyaddaaduna isir ma lahan,
    Adduunyada waxa ugu liita horogle sheegad ah 😫.

  8. Awlal:
    Kula yaabi maayo oo waxadan ahayn noqon maysid. Waxadan aqoonna ii sheegi maysid, Adigu hal adaygna ma lihid,Aflagaadana ma daysid, Waxa lagu haysto waa inaad Dulmiga ka daysaa dadka aad beegsanso, Afsomaliga Aad ku xar xarriqdo Marqaannews wax micno ah iyo
    Xikmad midna ma lahan, Horogle tahay horogle Dhalay adiga iyo sinjiyaddaaduna isir ma lahan,
    Adduunyada waxa ugu liita horogle sheegad ah 😫.

  9. Haday bilaabatay.

    War maad isdaysaan daarood.
    Laba xaaraan ku heshiisay xalaashay ku kala tagaan miyaa sheekadu?
    Beryahan daaroodka ul uun bay aqbalaan.

  10. Laand-ruugar and Maykadheegto.
    War niman baa isdilaayo
    Nuduubo Aad u fogaatiyo
    Naxli uu ka dhexeeyaaye
    Nimow naagyahow waalan
    Nuxus yahoow iska niicle
    Nadalyahoow iska nool
    Halkeebaa ku naxayso.

    Haddii aan is necbaanno
    Iyo haddaynu nabdayno
    Najaas yahoow afka yuuban
    Maxaa kaaga Nusqaana.

    Afka lalama soo galo meelaan lagaaga baahnayn.
    Horta luflufkiina Iska laasada lo’yahay sabiisha leh.

  11. Yaa dadkan looga dacwoodaa? Xitaa suudaan way gaadhay.

    Ninkan Cismaan Maxamuud ee la yiraahdo Cabdifataax alburhaan oo xoogga meesha ku haysta intuu ninkii yaraa ee dhiciska ahaa ee la oran jiran Xamduuk meesha ka tuuray hadana dalka khalkhal kusoo celiyay mar labaad, maxay tahay ujeedadiisu. Beeshiisa lagu magacaabo bah gareen intay tashato may ninka la hadasho dadkana ka qabato.

    Waa iyagii markii la doortay u hanbalyeeyey, isaguna uu yiri awoowgay baa kasoo jeeda beesha aniguse halkaan baan ku koray, oo hadaad ku kortay dee wadankaaga iska anfacso laakiin beeshu marnaba ma ay ilaawin.

    War nika wax u sheega hadii kale berito hanagusoo qaylo dhaan sanina.

  12. @@@Geelle Naanaab,

    Waa wax lalafajaco sababta aad abtirsiinyaha Siciid Deni ninkan Suudaaniga ah uugu halqabsatay, walow aan hawada ka dhadhansaday dadka aad weedhaas kuwiiqayso jaalle.

    Sidaas oo ay tahayse, arrimaha ay Soomaalidu sida xun uga arradantahay ee siyaasadda iyo dawliga gundhigga u ah waxaa kamid ah in waxa loogu magacdaray “the Deep State”.

    Khubarada siyaasadda iyo diblumaasiyadda caalamiga ku xeeldheer waxaa ay waddamada dawladnimadooda iyo qarannimadooda u kala saareen: (i) kuwa “baytul cankbuudka” ah, iyo (ii) kuwa kale ee “duddumooyinka” ah. Kooxda koowaad ee ay Soomaaliya kujirto waa dalalka aanay dawladnimadoodu iyo qarannimadoodu salka kuhaynin hannaan sugan oo muddo dheer usoo dhisnaa, halka kooxda kalena ay yihiin kuwa soo lahaa hannaan u ligan oo ay dawladnimadoodu iyo qarannimadoodu si rasmi ah ugu dul qotomaan.

    Kuwa hannaanka sugan lihi waxaa lagu gartaa in ay rugtoodu adagtahay oo ayna leeyihiin waxa “deep state” looyaqaanno, si kasta oo dawladnimadooda looga carqaladeeyo amase looga dhabqiyona aanu burbur baahsan oo heer qaran ah kuhabsan karin – sida Suudaan oo kale. Sababtuna waxaa weeye in “deep state”-ku yahay hannaanka rugta u ah ee aan dhakhso loo dummin karin ee milatarigu saldhigga u yahay.

    Sidaas aawadeeda, ninkan aad ku eedeeneyso in uu “dalka khalkhal kusoo celiyay mar labaad” waa awrka hashiisa maandeeq ka dhacsanaya dhurwaayada in ay kaga takhalussaan damacsan. Waa halyey katirsan “deep state”-ka Suudaan ee hannaankooda sugan tiirarka uxejinaya inta ay cadowgu duufaannada ku dibindaabinayaan.

    Soomaali maryooleey waxa u diiday in ay qarannimo dhab ah ku xasisho oo burburkana si sahlan ugu rida waa in uusan u dhisnayn hannaan rasmi ugu sugan oo ay ku dul qotonto. Waxaysan lahayn “deep state” burbur ka bedbaadiya. In markaasi iyada oo lamid ah caarocaaro baytul cankabuud ku dhex nool aboorka duddumaha kudhex gaashaaman wax kasheegto waa ceeb iyo hadal aad loogu qoslo runtii – halkii ay casharro kasoo qaadan lahayd oo kaga dayan lahayd!

  13. Beeshu way mahadsan tahay

    Mar hadii dhiciskii xamduuk ay beeshu sii daysay waxaa la hubaa in rajo wayn ay jirto.

    Sidan oo kale ayaa wax loo furdaamiyaa, hadaynaan ka hadli lahayn ninkaa waxaa lagu ilaawi lahaa jeelka.

    Tolow magaalada khartuum iyo boosaASO LA MATAANAYN DOONAAN?
    mayse soomaliyana sidaaa oo kale dadka u waleeleeyaan?

  14. Ogaysiis Ogaysiis

    War dadyohow miyaadaan waxba dareemayn nimankii reer khaatumo waa la la’yahay beryahan oo wax cusubba meeesha laguma arko oo waxaa dhici karta in ninkii fiicanaa ee meesha maaranyn jiray uu xanuunsan yahay waayo beryahay cudurkan koroonuhu dad badan ayuu galaaftay.

    Marka haloo soo duceeyo haduu xanuunsaday, haduu sfar jirana Allaha nabad keeno.

    Marka aamiinta usoo badiya ha iska aamusnaaninee.

    Geelle naanaab waa Janan aan dhicin waana wasiir hore ee Jamhuuriyada dhagaxtiirka fadhi-ku-dirir, waana xoghayihii guud ee uruka jamciyada dhaashato iyo jaalida faan-ma-dayso.

  15. @@@Geelle Naanaab,

    Walaaca aad muujisay qudhaydu waayahanba wuu igu weynaa runtii oo waa wax qariib ah in Marqaan News muddo sidan u dheer wararba sootebin waayo. Abid ma dhicin.

    Waana sida aad ku tilmaantay oo Bahda Marqaan majiraan tifaatireyaal Soomaaliyeed oo tayadooda sare kula tartami karta. Insh’Allaah war san iyo weedh san – aamiin!

  16. Maxaa wuxuush iyo wardeey, Horogle iyo Yaab arag ooman isku waraystay Marqaannews, Horaa loo yiri tuke iyo tuur qurunba ma samraan.
    Bal eega qoomkan waxa qaylo dhaan ka yeeraysa, Qofwalba oo iyaga ka mid ah fiiri Magaciisa!!!! !!!! !!!!! Kkkk kkkk kkkkk waa isku summad iyo Soowraac laysku sargooyay kkkk kkk Saamiga qofnimana looma kss aad la sarraysiin ee waa loo simay, kkkkk kkkk kkkkk
    Salwooy Saar waa taqaan laakiin Salkaa waa reer samayo qaad.
    Bahjecli isulama joogtan Afwadhmuunina kuma kala tagtaan kkkkkkkkkkkkkkkkkkkkk kkkkkk kkkkkk kkkkkk

Your email address will not be published.


*