DAAWO VIDEO:Wararkii ugu Danbeeyey Boosaaso iyo Puntland oo Xabad joojin ku Dhawaaqday

Wasiirka Amniga ee maamul goboleedka Puntland, Cabdisamad Maxamed Gallan ayaa ka hadlay dagaalkii ka dhacay Boosaaso iyo sida uu xalka noqon karo.

Saaka aroortii ayuu magaalada Boosaaso mar kale ka dhacay dagaal u dhaxeeyay ciidamada Puntland iyo xoogag ka amar qaata taliyihii PSF-ta ee xilka laga qaaday, inkastoo markii dambe ay xaaladda degtay.

Wasiirka Amniga ee dowlad goboleedka Puntland, ayaa carrabka ku adkeeyay in ay aqbalayaan oo kaliya in la raaco dastuurka maamulkaasi oo hoggaanka ciidammada PSF uu xilka wareejiyo.

Cabdisamad Maxamed Gallan, oo wareysi gaar ah siiyay BBC-da ayaa sheegay ayaa agaasimihii PSF ee xilka laga qaaday waxa uu ku eedeeyay inuu weerrarka Boosaaso soo qaaday, wixii ka dhashayna uu mas’uuliyadeeda qaadi doono.

Dhanka kale wasiir Gallan waxa uu intaasi ku daray in dhankooda ay diyaar u yihiin nabad iyo wadaxaajood, balse marnaba aanay ka tanaasulayn ku dhaqanka dastuurka.

 

Aragtidaada Noogu Soo Dir

Emailka:Saxafi12@gmail.com

 

6 Comments

  1. Ilaahbaan idinku dhaarshaye Ninka Sawirka kore ka muuqdo Ma Somalibaa?,puntland illayn waa Dad Federa ah?kkkkk kkk kkkk

  2. Dad waxaa ugu ayaandaran, ruux isaguba addoon Ilaahay ah ee haddana addoomaha Eebbe kafaanaya!

    Dad waxaa ugu cawaansan, ruux Ilaahay sancadiisa dhaleeceeyey oo haddana isla sii qumman!

    Adduunyada waxaa ugu nasiibdaran, addoonka aan islaxisaabtamin inta aan isaga xisaabta aakhiro lasootaagin!

    Dunida waxaa ugu gunsan, addoonka aan khaatimadiisa kafekerin ee waxa uu doono iskaga hadla oo sameeya!

    Nebiguna (SCW) wuxuu muflis kutilmaamay, addoonka wixii uu camal iyo cibaado dunidan ka kasbaday aakhiro eber iska sootaagi doona maadaama addoomaha kale ee uu siyaabo kasta usoo dulmiyay loogu magdhawi doono!

    Allahayow kasoo kale ayaanu kaa magangalnay!!!

  3. Awlal:
    Adigoo Daalim ah, Munaafuq ah, oo weliba aan lahayn Ab iyo isir toona, yaxar Sheegad ogaadeen ah, marna Horogle ah inaad hadasho kuuma Furno, Galan uma Difaacaysid Allah ka cabsi ee waxad ugu Doodaysaa isagaad ka sii liidataa, horoglihii ku dhalay was ee lugaha haaraha ku lahaa.

  4. Awlal:
    Xadiith baa ahaa: Xisaabi Naftaada inta aan lagu xisaabin:
    Adiga oo Daalim ah inaad wanaagga Farto waa calaamad Munaafuq, Uur iyo Af is Khilaafsan dhaqan baad u leedahay, waxad isu taqan waxa laguu yaqaan baa ka wayn, Horogle horogle Dhalay Nin ku yaqaan baan ahay.
    Anigii Dulmiga Dadka kugula cilloobay baad wanaag I faraysaa kkkkk kkkk kkkkk kkkk Axaadiithta iyo Diinta aad ka been sheegayso baa Eye šŸ‘ Witnes iigu Filan inaad khaaā€™in tahay.
    Sheegad sheegad dhalay.

  5. Illayn Sheegad dhaladbaa ka shisheeyo.Micnaha Sheegad isagaa Difaaca hore ku jiro dhaladka ayaa shesheeyo.
    Illayn ZinZibaar Somali uma suurad ekaado.
    Illayn Summad Awoowiyo Sinji waa ma guuraan.
    Illayn nimaadan Dhalin dhiiggaaga ma sheegto.

  6. Cidina uma maqna

    War nimankan wadanka yaa ka qabta

    maalinwalba ma dagaal baa loo joogayaa

Comments are closed.