11 Comments

  1. Sikasta oo masiibadan qaran ee Puntland kuhabsatay loogu kala aragti iyo dareen duwanaaday, xaqiiqadu waxay tahay in inteenna Puntland sida daacadda ah ugu damqaysa iyada wanaaggeeda u wada halgamayno.

    Siciid Dani goolka xun ee uu isagu iskadhaliyey aan idiin bidhaamiyo, si loo fahmo in uu yahay siyaasi si ba’an ufashilmay ee aan shaadirna ahayn. Ciilkii uu Farmaajo uqabay ayuu carrigiisii Puntland kufurfurtay oo wuxuu lamid noqday ninkii gacantiisa midig iskaga gooyay calaashaan eey baa kataabtay.

    Macangagnimadu iyo maangaabnidu dhibtaas ayay leeyihiin oo waana labada khusladood oo madax badan ciidda afka u daray. Nasiibdarrada Dani kudhacday ayaa ah in uu dabinkii uu Farmaajo udhigay toos cagaha ulagalay, Farmaajona isaga oo aan far qura fidinin ayuu hadafkiisii burburinta Puntland qarka usaaran yahay – Siciid Dani ayaana hawshaas ufulinaya maadaama uusan ahayn fariid fiiradheeri lagu galladay oo hoggaannimada mooday in dibi sidiisa la weyraxo.

    Madaxda garaadka iyo garashada ka curyaaman, waxay markasta ku dabagabbadaan cid ay shucuubtooda xunguruf ugu ekaysiiyaan oo kuxuuxiyaan si ay kursiga iskugu sii dhejiyaan. Dhibtuse waxay tahay, in uu xungurufku aakhirka qofkan madaxda ah isaga madaxmaro oo uu sas xun ka qaado, ayna ku kallifto in shanqartii yeertaba xabbadda ladhaco ilaa uu reerkiisa sidaas kudhibaateeyo.

    Hadda, Siciid Dani saskii uu Farmaaajo ka qaaday waakan Boosaaso kula duldhacay.

  2. @@Qardafui,

    Ina-adeer, nin waxgarad ah ayaad tahay, laakiin maankaas gurracan ee aad Siciid Danina kutaageerto ayaa haybadda kaa dilaya sidiisa.

    Hogaannimada hayinka ah, waxaa lagu hantaa qiyam iyo khuslado qaali ah ee ay Rasuulku (SCW) iyo Khulafaa’u Raashidduunku ummadda Islaamka dhaxal ahaan iyo in lagaga taqliido ugategeen; waxaana gundhig u ah baarrinimada, naxariisashada, turniinka, xakiimnimada, caaqilnimada, waxgaradnimada, fiiradheerida, indheergaradnimada, laab-furnaanta, maan-furnaanta, sabar-badnida, aftahannimada, firfircoonida, geesinimada, caddaaladda, iyo dheganugaylka.

    Ruuxa khusladahaas dhaqan kayeesha ayaa gaaara darajadaas sare ee ay Khulaafadu gaartay, dadkiisana mideeya oo nacabkuna xataa xushmad iyo qaddarin u gartaa. Hawraartan jilicsan ee ay Soomaalidu iskaga hadaaqdo – sida “gacan-bir-ah ayuu madax hebel wax ku qabtay”; “sharciga iyo qaynuunka ayuu tusay”; “laynka ayuu kusoo daray” iwm kulli waa kalaam-faadi iyo hawraar laga dhaxlay dawladdii milatariga ee shuuciyadda kudhaqmeysay. Casrisan kuma habboona habayaraatee.

    Waxaanan hadallada halkan laga dhiibto ka dareemayaa in 90% ay kasoo go’aan maanan laga qiyaasan karo in ay kacaankii iyo kahore lakowsadeen oo casrigaasna ku hakaday.

    Hoggaanka hayinka ah, wuxuu marka hore shacabkiisa udhisaa hannaan rasmi ah oo Islaamnimada salka kuhaya, hannaankaas oo ka unkan falsafadda Islaamka ee saxda ah; qaddiyaddeeda salafka ah; nidaam dawladeed oo ku dul qotoma; iyo Gardhe hufan oo Shareecada laga soohay.

    Marka uu hawshaas fuliyo, waa hubaal iyo garantii in uu shacabku hannaanka qummaati ugu hoggaansamayo isaga oo weliba ku kalsoon oo kuna qanacsan. Waxaa xataa aad u dhinmaysa baahida looqabayo boolis iyo askar kaleba, iskaddaa madaxweyne “gacan-bir-ah” wax ku muquuniya e. Bulshadaasu qaab dabiici iyo ootamaatik ah ayay iskeed iskugu dubbadhacaysaa.

    Maankiinnan gurracan iyo dhaqamada qalaad ee dadkeenna lagu luggooyay laga dhaxlay fadlan iska xoreeya oo idinka dhaxalkiinna suubban dib ucuskada. Siciid Dani iyo waxan kale ee “madaxda” sheeganayaba milyan mayl ayay ujiraan sifooyinkaas aan soo xusay ee aynu diinteenna kadhaxalnay. In aydin amaantooda iyo udabadhilifeyntooda aakhiradiinna kuseegtaan waa la idiin dhaamaa gacaleyaal.

    Ogaadana in min Xaawo iyo Aadam ay bina-aadamku soo lahaayeen xuquuq iyo xorriyad taam ah ee ay hoggaanka iyo hannaanka ay saluugaan kaga gadoodaan oo codadkoodana cabsila’aan u muujiyaan. Marka, wax “yaayuus” layiraahdaa majiraan e dadka yaan lacabburinin. Sideedana, DAWLADI WAA SHACAB e madaxda ma aha.
    ——————————————————————————-

    Waxaan meelo badan ku arkaa kuwo markasta oo Axmed Madoobe iyo Kismaanyo lasoo hadalqaado islamarkiiba iska burqanaya oo Uhuru Kenyatta mise Kenya ugusoo halqabsanaya.

    Dabcan, waxay kuwan iyaga ah ka tahay Ogadeenka (guud ahaanba Daaroodka) ku afxumeeya, laakiin waxay kawarla’yihiin sida ay taarikhda dunida iskugu horqaawinayaan maadaama ay isku qirayaan arradnaanta aqooneed ee sida ba’an uga haysata cilaaqada Kablalax Daaroodka iyo Afrikada Bari (oo ilaa Mozambique teedsan) kadhexeysa sida ay qotodheertahay oo ugana qaddiimsantahay Soomaaliyada shalay curatay.

    Waana baab ararkiisa oo keliya aan xataa halkan lagusoo koobi karin. Nuxurkiisuse waxaa weeye, in cilaaqadaasu qarniyo dhowr ah kasii horreysay suraabka Soomaaliya kumagacaaban ee 1960kii dhisay. Waxaan laga xiisadhici karin taariikhda kasheekeeneysa qaabkii ay Ogaadeenku jubbooyinka cagta ula dulmareen oo ay Boorantii iyo Warddeydii (oo xilligaas Saldanaddii Mareexaan inta ay ciidda afka u dareen magaalooyinkii straatijisanaana uba sarreeyay) ilaa Isiolo iyo Webiga Tana ee Gaarisa ugu tallaabiyeen.

    Waxaa Kablalaxa lagu tilmaamay in ay Hartigu xagga badda Afrikada Bari iskugu kala ballaariyeen, halka ay Ogaadeenkuna duullaamada barriga ah kuxeeldheeraayeen. Kenyadan kadinka usaaraan daaya e inta ay Sinjibaar siidhaafeen ayay Mozambique saldhigteen – hab ganacsi iyo siyaabo kaleba. Waxaa hataa laxusay in ay Zambia iyo Zimbabwe la ganacsan jireen.

    Yurubiyaankii Soomaaliya soogaaray Soomaalida ay lakowsadeen oo rukhsadaha iyo heshiisyadaba kasaxiixan jireen waa Kablalaxa – min Berbera ilaa Laasqoray ilaa Xaafuun iyo ilaa Muqdisho iyo Kismaanyo. ‘British Somaliland’-ta la iska afduubtay xataa Saldanad Harti ayay ahayd.

    Weliba, Daaroodka hadda jira waa maalaayacni marka lagu jimeeyo raggii ragga ahaa ee qarniyadii hore talin jiray oo taariikhda caalamka baal dahab ah kaga xerooday. Daaroodka haddeeran isaga ayaaba isu nacab ah oo aan la istusi karin, iska daa in ay taariikhdii aawooweyaashood ee dahabiga ahayd dib ucuskadaan oo maqaamkoodii sarreeyayna sooceshadaan e.

    Sidaas oo ay tahayna, Afrikada Bari ilaa iyo Koonfurta Afrika Daaroodka ayaa saameynta ugu weyn kuleh – siyaasad iyo dhaqaale ahaanba – inta aan dunida kaleba la isla gaarin. Kudhegahadal aan sal-iyo-raad toona lahayn waxba lagaga ma qaadi karo runtii.

  3. Warkani waa mid gacalka iyo nacabkaba filanwaa ku noqday oo danaaniga diryaankiisuna dooxooyin badan ayaamo kasii dubaaxi doona. Waxaan Soomaali badan oo xalaal ah lawadaagaa juuq-gabka kaga habsaday farxaddiisa iyo raynrayntiisa aan lacabbiri karin.

    Ciddii doonta waxa ay doonto ha ugu yeedho, runtu waxaa weeye in ay mujaahiddiinta ONLF marwalba Ummadda Soomaaliyeed cindigooda kayihiin halyeeyo iyo geesiyaal lagu faano oo taariikhda Soomaaliyeedna baal dahabi ah kaga hoyday. Hiddaha asyaaddii Harar way ku bannaanyihiin, Allaa Ilehe.

    Haddii ay kadhab tahay iyo haddii ay kaarto siyaasadeed ka tahayba, waxaanu shaki kujirin in uu Rooble maanta dhigay wacdaro waddaniyadeed oo dhaxalgal ah, siyaasad ahaanna uu Farmaajo nabarkii iyo naxdintii ugu xumaa qummaati ulahaleelay. Hawada ayuu kasoo toogtay oo malahaygu ma aha in uu Farmaajo kasoo kici doono abid.

    Ma lagayaabaa in uu Rooble kusoo baxo libaaxii nabnaa ee bisadda loomaleeyay? Iyo kii sumcadda Hawiye dib u baalasheyn lahaa 30 sanadood oo ceeb iyo caariyo ah kaddib?

  4. Xero-jinadan yaa ku shaqaysta?

    Meesha in war lasoo tabiyo sow la iskuma ogayn.

    mise waxay noqotay maxay ka nuugtaa maxayse ku-nuugtaa, murug-maarug?

  5. @geelle naabnaab

    Saaxiib ha la yaabin dadkii oodhan baa koronto qabsatay oo cid wax sheegi karta lamaba hayo.

    ma ahan meeshan oo kaliya, soomaalidii oodhan ayaa waxaa ku dhacay shoock ay lasoo kici la’yihiin, doorashaana lagu waashay.

    kusoo dhowoow sanad wareerka cusub saaxiib.

  6. Awlal iyo saaxiibadiis

    Anigu waxaan fahmi waayay waxa ka jira meeshan la yiraahdo hiiraan ama beledweyne, oo mashaqo iska haysato, lamana yaqaan meesha laga hayso.

    Yaa noo msharixi kara waxa ka jira iyo waxa reer hiiraan ay diidan yihiin.

    1- meesha hirshabeele heshiis malagu yahay, maxaase la isku diidan yahay.

    2- laba madaxweyne oo hiiraan kasoo mjeeda ayaa meesha soo qabtay, maxay u xalin waayeen cabashada dadkooda, mayse sheegaan oo kursiga iska casilaan haday xalin waayeen markay jogada hayeen.

    3- haday diidan yihiin maamulka jiridiisa maxay isu maamuli la’yihiin, ileyn gobolku iyaguu gacanta ugu jiraaye.

    4- hadii maalin walba lagu jiro isqabsasho, looma helayo xal arinta abaarta iyo fatahaadaha joogtada ah.

    5- mise habaar baa haysta , haday taasi jirtana wayba jirtaaye may ducaystaan daka ay xaqdarada ka galeena cafis waydiistaan.

    6- Hdaii reer hiiraan hoos wax u go’aansan waayay, may meel fagaare ah iyo dad dhexdhexaad ah ku doodaan si loo kale saaro.

    7- Kuwa jagooyinka qaran raadinaya vmaa shardi looga dhigo gurigiina horta soo xaaqda.

    8- Anigu fahmi waayay waxa meeshaa ka jira ee hala iga jaahil bixiyo

    wasalaamu calaykum

  7. Laandruuger

    Waan kaa qaadnay salaanta, kadibna arimahaas aad soo qortay waanu la wada yaaban anahay. balse waa lagaaga ajawaabiye bal adna yaabka aan aragnay wax nooga sheeg, yaabkaas oo ah in reer laascaanood ay haysato mid lamid ah midda reer hiiraan.
    tusaale ahaan subax walba waxaad arkaysaa rag gaardinaya oo kasoo goostay soomaaliland , galabtiina waxaad arkaysaa hormo kale oo sii gaarninaysa oo la leeyahay waxay kasoo goosteen puntiland..
    dhibaatada reer laascaanood haysta bal wax nooga sheeg laba arimood way isu egyihiine.

    darandoori ayaa lagu jiraa aan meelna la gaadhayn.

  8. @@Laand-ruugar ina Laand-roobal & Sag-saag,

    Anna waan idiin salaamay akhyaareey. Marka aan wax yar ku darsado doodda aydun inoo furteen, waxaan ka oranayaa sidan soo socota.

    Reer Hiiraan iyo reer Sool waxaa ragaadisay mashaqo dhowr qarni ku xidideysatay, taas oo kayeeshay dad aan hoos ahaantooda qaddiyad iyo mowqif reer-ahaaneed yeelan karin, maankoodana in ay dawlad iyo madax qeyrkood ah shaqaale iyo raaciyad u noqdaan.

    In ay dawlad iyo madaxdeeda wax u meeriyaan mooyaane waxba iskooda uma go’aansan karaan. In ay dawlad utaliso mooyiye iyagu ma tashan karaan. In ay dawlad afka u kalahayaan moojaane iyagu iskooda wax uma qabsan karaan.

    Taariikhdooda dib u gocda: min casriyadii Saldanadihii Ujuuraan, Banaadir, iyo Daraawishta ilaa iyo Dawladdii Kacaanka. Waxan aydun ka aragtaan waa astaamaha maankaas curyaaman e wax kale ma aha. Baraarujin maskaxeed oo culus ayuun baa ka saari karta maanka sha’nigood sidan u curyaamiyay.

  9. Doorashadii diin-diinka iyo shirkii habar dugaag

    Iyadoon la filayn ayaa labadii dhinac ee isu cadawga ahaa laga waayay cid hadasha iyo cid bilowda.

Comments are closed.